Al-Shabaab oo la sheegay in ay Kenya ka fuliyeen weerar ay dad badani ku dhinteen

Ugu yaraan lix qof ayaa dabley looga shakisan yahay Al-shabaab ku dileen deegaan xeebeedka Lamu ee dalka Kenya, waxayna sidoo kale dab qabadsiiyeen xaafado halkaas ku yaala.

Booliska ayaa sheegay in dagaalyahano aad u hubeysan ay weerar ku qaadeen xaafado ka tirsan deegaanka Widhu subaxnimadii hore ee saaka.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka geysatay gobolka Lamu ee xuduudka la leh Soomaaliya.

Tiro dhowr jeer ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weeraro culus waxaa ay ka fuliyeen, gudaha dalka Kenya,waxaana Dowladda dalkaasi ay horay u shaacisay in ay adkeyn doonto ammaanka Degaanadeed ee u nugul weerarada Al-Shabaab.