Akhriso:- Mareykanka oo baaq culus u diray Farmaajo iyo Rooble

Safaaradda Mareykanka ayaa dhankeeda war kasoo saartay Khilaafka ka dhexeeya farmaajo iyo Rooble, waxaana ay baaq u direen labada dhinac ee haatan khilaafka ka dhex taagan yahay.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo dejiyo xiisada u dhaxaysa labada dhinac.

Waxaa sidoo kale Qoraaalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka lagu sheegay in laga baaqsado tallaabooyinka daan daansiga ah iyo gacan ka hadalka, lagana fogaado wax walba oo xaaladda sii hurin kara.

Mareykanka ayaa horay waxaa ay u taageereen shirkii uu ku baaqay RW Rooble, waxaana si lamid ah taageeray Ingiriiska.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid kacsan, waxaana labada dhinac ay baraha bulshada isku marinayaa hadalo iska soo hor jeeda,oo mid ba mid ka kale eedeyn ugu jeedinayo.