Mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxa ay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ku leeyihiin kulankoodii caadiga ahaa.
Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS waxa ay berri guda galayaan Mooshin uu Goluhu ku dalbanayo joojinta soo dhoofinta Badeecooyinka laga heli karo Dalka.
Mooshinkan waxaa soo qoray Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka waxaana ay uga dan leeyihiin in wax soo saarka dalka la dhiiri geliyo.
Kulanka Maalinta Berito ah ee Baarlmaanka Soomaliya ayaa ah mid ka duwan kulamadii shalay iyo Maanta waxa uuna noqon doonaa mid waqti badan qaata.