Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland oo ku waxyeeloobay qaraxii degmada Waaberi

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee khasaaraha badan geestay ee ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

Wararka ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaas uu ku dhaawacmay Wasiirkii Dhlinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Jubbaland kaas oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Yuusuf oo lagu naaneeso(Awlibaax) halka Wararka qaar ay sheegayaan in uu geeriyooday.

Waxaaa sidoo kale jira khasaaro u badan dad Shacab ah oo uu geestay qaraxaas.