Siyaasi Somali Kenyan diyaarinayo Mooshin ka dhan ah Siyaasiyiinta hadla xilliyadda maydka la aasayo

Hoggaamiyaha aqlabiyadda ku leh Barlamaanka Kenya, Aden Barre Duale ayaa shaaciyey inuu sida ugu dhaqsaha badan u buuxinayo Mooshin, si ay Mudanaayasha Barlamaanka Kenya ugu codeeyaan in Siyaasiyiinta laga mamnuuco inay ka hadlaan marka lagu sugan yahay Qabuuraha ee dad lagu aasayo.

Aden Barre Duale   oo ah Mudane laga soo dorto Degmadda Garissa, ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu ka hadlayey Aas ka dhacay Kaniisadda Kaloolikadda ee ku taalla Degmadda Matungu ee dalka Kenya.

Waxa uu si gaar ah uga codsaday Hoggaamiyayaasha Qabiilka Nyanza inay joojiyaan Siyaasiyiinta marka la joogo qabuuraha, isagoo tilmaamay inay falalkaasi saamayn doonaan Goballadda kale.

“Waa nasiib darro inay Hoggaamiyayaasha guul ka raadiyaan inay  dadka tiiraanyeysan ee wax aasayo horteeda ka sheegaan hadalo siyaasadeysan” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale, oo ugu baaqday Hoggaamiyayaasha Kirishtaanka inay ka hortagaan in Siyaasad looga hadlo Qabriga dushiisa.

Waxa uu ugu baaqay in la fududeeyo xiriirka iyo isla shaqaynta Muslimiinta iyo Kirishtaanka ku wada nool Kenya.