Siyaasadda Trump ee Kumanaanka Soomaalida ee laga soo masaafurinayo Maraykanka

 

Hay’adda Socdaalka Maraykanka ayaa qoondeysay in ku-dhawaad 4,000 oo qof oo Soomaali ah laga soo masaafurin doono dalkaasi.

Danjiraha Somalia u jooga Maraykanka, Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa Sabtidii la soo dhafay xaqiijiyey xogta ku aadan Masaafurintaasi, sida uu ka soo xigtay Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ee (U.S. Immigration and Customs Enforcement).

Sannadkii hore, 198 Soomaali ah oo lg soo masaafuriyey Mraykanka ayaa lagu so oceliyey magaalladda Muqdisho.

Wargeyska Wararka Toddobaadlaha ee Newsweek ee ka soo baxa magaalladda New York ayaa qoray inay la xiriireen  Safaaradda Somalia ku leedahy magaalladda Washington, balse aysan ka helin Jawaab-celin degdeg ah oo ku aadan arrintaasi.

Donald Trump markii uu ku jiray Ololihiisa Doorashadda Madaxtinimadda dabayaaqadii sannadkii hore, waxa uu booqday Gobalka Minnesota, isagoo  Soomaalida ku ku tilmaamay  waxa uu ugu yeero Masiibo “Disaster”, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray in Mamukiis ka hortegi doono inaan Qaxootig Soomaalida la dejin doonin Minnesota ilaa Ansixin laga helo Dowlad-gobaleedk Minnesot.

Mdaxweyne Trump markii l doortay waxa uu soo saaray Amar dadka ka soo jeeda Somalia iyo Waddamo kale oo Muslim ah looga xayirayo inay soo galaan Maraykanka  muddo  3 bilood ah.

Wargeyska Newsweek waxa uu qoray inaysan kala caddayn in Soomaalida laga soo masaafurinayo Maraykanka qeyb ka tahay Siyaasadda Maamulka Trump iyo Ballanqaadkiisa xilliga Doorashadiisa.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ee (ICE), Brendan Raedy ayaa u sheegay Wargeyska Newsweek inay kordhayso dadka loo soo masaafurinayo Somalia,  wuxuuna hoosta ka xariiqay inuusan filaynin inay Masaafurintaasi ku lug leedahay Doorashadii Madaxtinimadda Maraykanka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maamulka Hay’adda Socdaalka Maraykanka u aqoonsanayn Waddan Fashilmay, balse ay u arkaan Waddan tabar yar oo soo kabanaya.

©Radio Dalsan