Saxafi horey looga xayuubiyey Dhalashadda Dalkiisa Hooyo oo codsanayo in loo soo celiyo.

Saxafi Maxamed Fahmi oo horey uga tirsanaa shaqaalaha Telefishinka Aljazeera waxa uu u ololeynayaa sidii loogu soo celin lahaa Aqoonsiga Dhalashadda dalkiisa hooyo ee Masar.

Maxamed Fahmi oo haysta Dhalashadda dalka Canada, waxaa bishii September ee sannadkan laga sii daayey Xabsi ku yaalla Masar, kadib, markii uu xirnaa muddo 2 sanno ah.

Madaxweyne C/fataax Alsiisii ayaa cafis u fidiyey isaga iyo labo Saxafi oo ay ka wada shaqeyn jireen Telefishinka Aljazeera, Qeybtiisa lagu baahiyo Luqadda Englishka.

Maxamed Fahmi oo haatan ku sugan Canada ayaa sheegay inuu Dowladda Masar ka codsaday inay u soo celiyaan Xuquuqdiisa Muwaadinimadda Masar oo laga xayuubiyey dabayaaqadii sannadkii hore oo uu ku jiray Xabsiga.

Waxa uu tilmaamay inay muhiim u tahay Muwaadinimadda Masar, maadaama uu Hanti Ma-guurto ah ku leeyahay Masar.

Dowladda Masar waxay Saxafiga iyo labo kale xirtay sannadkii 2013-kii, oo ay ku eedeysay inay Aljazeera TV ka baahiyeen Warar been abuur ah iyo inay u xaglin jireen Ururka la mamnuucay ee Akhwaanul-muslimiinka.

M.FAHMI XABSIGA M.FAHMICALANKA MASAR M.FAHMY 3 M.FAHMY 1

©Radio Dalsan