Dagaalkan ayaa subaxnimadii hore ka dhacay xabsiga ammaankiisa aad loo adkeeyo ee Las Cruces oo ku yaalla magaalo xeebeedka Acapulco.
Dadka geeriyooday ayaa u dhintay jirdil ama tooriyayn, iyada oo qaarkoodna madaxa laga gooyay. Dawladda ayaa amartay in baaritaan la sameeyo.
Acapulco ayaa ah magaalada ugu wayn ee gobolka Guerrero, taas oo ka mid ah meelaha ay dhibaatooyinka ugu badan ka dhacaan ee dalka Maksiko, waxaana laga soo saaro daroogo badan.
Maydadka ayaa laga soo saaray jikada iyo goobta la isku booqdo ee xabsiga sida uu sheegay Roberto Álvarez oo ah afhayeenka arrimaha ammaanka ee dawladda.
Ma jirto wax astaan ah oo tilmaamaya in hub la adeegsaday ayuuna hadalkiisa sii raaciyay. Baaritaanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa shaqaalaha xabsiga.
“Arrintan waxaa kiciyay muran soo jiray oo dhexmaray kooxaha iska soo horjeeda ee xabsiga ku jira” ayuu hadalka ku daray.
Booliiska faderaalka iyo milatariga ayaa jaray bannaanka xabsiga Las Cruces oo la sheegay in ay maxaabiibtu buux dhaafiyeen ayna ku jiraan in kabadan 2,000 oo maxbuus.
Sawirro