Ra’isul-wasararaha Xukuumadda Federalka oo dhexdhexaadinayo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo K/Galbeed.

Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxa uu Kulan Dhexdhexaadin ah isugu keenay Madaxweynayaasha Maamul-goableedyadda K/Galbeed iyo Jubbaland, oo uu Khilaaf soo kala dhex galay.

Kulankaasi oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxay Madaxda si hoose uga wada hadleen Xalinta Khilaafka Labada Hoggaamiye  iyo Qabsoomidda Shirka Golaha Wada Tashiga Qaranka oo lagu waday inuu berrito furmo,balse waxa uu dib u dhacay ilaa bishan Janaayo 12-da.

kualan111Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Jubbaland, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  ayaa la sheegay inuu ka dhexeeyo Khilaaf Siyaasadeed oo ku aadan Dhismaha Maamulka Bakool Sare oo la sheegay inay Madaxda Jubbaland iyo Puntland ka dambeeyeen Dhismaha Maamulkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Kulanka Ra’isul-wasaraaha la qaatay Madaxweynayaaasha Jubbaland iyo K/Galbeed aaya lagu wadaa in lagu soo gunaanado Khilaafkooda,  isla markaana in si wadajir ah looga qeyb galo Shirka Golaha Wada Tashiga Qaranka ee ka furmi doona magaalladda Kismaayo.

©Radio Dalsan