Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Qoryooleey.

Ugu yaraan 5 qof oo 2 ka mid ka tirsan yihiin Ciiddanka Dowladda ayaa ku dhaawacantay bam-gacmeed xalay lagu tuuro Suuq ku yaalla Degmadda Qoryooley ee Gobalka Sh/hoose.

Guddoomiyaha Maamulka Qoryooleey, Maxamed Xaaji Cusmaan ayaa sheegay inuu ilmo yar ku geeriyooday qaraxaasi oo uu sheegay in xilligii Salaadda Maqribka lagu tuuro goob ay dad badan joogeen.

Waxa uu tilmaamay inuu baxsaday qofkii geystay qaraxaasi, balse ay Ciiddanka ku raad-joogaan.

Mar wax laga weydiiyey xaalladda dadka ku dhaawacmay qaraxaasi waxauu sheegay inay qabaan dhaawacyo fudud, wuxuuna xusay in dadka dhaawacmay ku jiraan labo haween oo rayid ah.

Ma aha markii ugu horreysay ee Qoryooleey ka dhacaan qaraxyo iyo Israsaasayn, wuxuuna qarixii xalay ku soo beegmay dhowr maalin kadib, markii uu Sarkaal ka soo goostay Alshabaab isku soo dhiibay Maamulka Degmadda Qoryooley, oo iyagana u sii gudbiyey Taliska Hay’adda NISA.

©Radio Dalsan