Qarax ka dhacay Masar oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Boliska ayaa sheegay in qarax lala beegsaday Kulliyadda Tababarka Boliska ee Degmadda Tanta, iyadoo uu hal askari geeriyooday, halka 12-Askari iyo 3 qof oo rayid ah ku dhaawacmeen.

Wararku waxay sheegayaan inuu qaraxaasi ka dhashay  miino lagu rakibay mooto la dhigay meel ku dhow Kulliyadda Boliska.

Koox Maleeshiyo cusub oo isku magacowday Guutadda Kacaanka ayaa sheegatay maas’uuliyadda Weerarkaasi, sida ay ku sheegteen qoraal la soo dhigay Baraha Bulshadda. Qaraxan ayaa ku soo beegmay, iyadoo Madaxweynaha dalka Masar booqasho ugu ambabaxay Maraykanka, isagoo berri la kulmi doono dhigiisa dalkaasi, Donald Trump.

©Radio Dalsan