Nin Maraykan oo lagu xiray Kenya oo damiin lagu sii daayey.

Maxkamad ku taalla magaalladda Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta la soo taagay nin Maraykan ah oo lagu magacaabo Richardson Roller, kaasi oo lagu eedeeyey inuu haystay hub sharci-darro ah.

Richardson Roller iyo Xaaskiisa Mercy Mwenda oo Kenyan ah ayaa waxaa lagu sii daayey damiin lacageed oo dhan 500,000 Shillinka Kenya.

Saraakiisha Boliska waxay xalay dhowr qori ka soo heleen guriga ninkaasi, waxayna sheegeen inuusan fasax u haysanin hubkaasi.

Taliyaha Boliska Gobalka Mandera, Francis Wanjohi ayaa sheegay in Eedeysanaha Maraykanka su’aallo laga weydiiyey haddii uu fasax u haysto haysashadda hubkaasi.

Dhinaca kale, Richardson Roller waxaa horey loogu amray inuu bil kasta iska soo xaadariyo Xarumaha Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ilaa mar kale lag dhegeysan doono Kiiskiisa.

©Radio Dalsan