Muwaadin Somali haysta dhalashadda Holland oo lala xiriirinayo Alshabaab oo la amray in lagu sii hayo Xabsiga.

Maxkamadda magaalladda Rotterdam ee dalka Holland ayaa shalay la soo taagay Muwaadin Somali haysta Dhalashadda dalkaasi, kaasi oo lala xiriirinayo inuu ka tirsan yahay Xarakadda Alshabaab.

Wargeyska NL Times ee ka soo baxa dalkaasi ayaa sheegay in Eedeysanahaasi oo 22-jir ah isbuucii hore  lagu qabtay magaalladda Sint-Oedenrode, kadib, markii ay Laamaha Sirdoonka iyo Ammaanka soo gudbiyeen Warbixinta lagu soo xiray.

Ninkaasi oo aan weli magaciisa la shaacinin ayaa la  sheegay inuu ka yimid dalka Britain oo uu degganaa, isla markaana la qabtay xilli uu soo booqday saaxiibkiisa oo 21-jir ah, oo ku nool Degmadda  Sint-Oedenrode.

Kooxda SWAT ee ka tirsan Ammaanka dalka Holland ayaa soo qabtay Labadaasi nin, iyadoo mid ka mid ah la sii daayey isla maalintii Arbacadda ee la qabtay.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Sirdoonka Holland ee AIVD waxay sheegeen in Eedeysanaha Soomaaliga haysta Dhalashadda dalkaasi uu xubin firfircoon ka noqday Xarakadda Alshabaab sannadkii hore, waa sida ay hadalka u dhigeen.

©Radio Dalsan