Xaalad deganaansho ah ayaa saakay laga dareemayaa deegaanka Abal ee Gobolka Bakool halkaas oo shalay ay ku wada dagaalameen Ciidamo uu watay Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur iyo Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaaladii shalay ayaa waxaa la sheegay in ay ku geeriyooday in ka badan 15 ruux oo labada dhinac ah halka dhaawacuna uu intaas ka badnaa.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaas lagu gubay Gawaari ay lahaayeen Al-Shabaab maadaama Muqtaar Rooboow uusan laheyn wax Gaadiid ah.
Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in in deegaanadii lagu dagaalamay uu dib ula wareegay Muqtaar Roobow,waxaana xusid mudan in xalay Gelinkii dambe ay sidoo kale halkaasi gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed kuwaas oo caawinaya Muqtaar Rooboow.
Ilaa iyo hada dagaalkaas Al-Shabaab iyo waliba dowladda Soomaaliya kama hadlin marka laga reebo Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya