Milliteriga Shiinaha oo samaystay Markabkii ugu horreeyey ee Diyaaradaha xambaara.

Madaxweynaha dalkaasi, Jiyan Ping ayaa sheegay inay tallaabadaasi xoojinayso Awoodda Dagaalka ee Ciiddanka dalkaasi si ay ugu guuleystaan Dagaalladda.

 

Markabkaasi ayaa lagu soo bandhigay Munaasabad ka dhacday dekedda Degmadda Dalayn ee W/bari ee dalkaasi, waxaana si toos ah looga daawanayey Telefishinka Dowladda ee CCTV.

Markabkaasi oo culayskiisu dhan yahay 50,000 oo Tan, waxa uu xambaari karaa Diyaaradaha Dagaalka ee J 15 iyo Diyaaradha kale ee Dagaalka.

Milliteriga Shiinaha waxay horey u haysteen Markab diyaaradaha xambaara oo 30-sanno ka hor lagu soo farsameeyey dalka Ukraine.

©Radio Dalsan