Madaxweynaha dalka Kongada Dimuqraadiga, Felikis Tashisekedi ayaa waxa uu Ciiddanka Maraykanka u oggolaaday inay ka taageeraan Dagaalka lagula jiro Maaleeshiyadda Isbahaysiga Dimuqraadiga ee ADF ee gacan-saarka la leh Kooxda Daacish.
Maleeshiyadaasi waxay weeraro ka geysteen Goballadda Waqooyiga Kivu iyo Ituri tan iyo bilowgii sanadkan.
Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka waxay taageero siin doonaan dhigooda dalka Kongada Dimuqraadiga si loo sugo dhulka Seerooyinka ee Viruga iyo Garamba oo ay Kooxda ADF soo weeraraan.
Tallaabada Ciiddanka Maraykanka kaga hawl-gelayaan dalkaasi waxa uu qeyb ka yahay Heshiis ay labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2019-kii, sida uu sheegay Danjiraha Maraykanka u jooga Koongada Dimuqraadiga, Ambassador Mayk Hammer.