Madaxi Xarun lagu dhaqan-Celiyo dhalinyarada Shabab-ka ka baxda oo ka mid noqday dadki ku dhintay Qaraxi maanta(Warbixin)

Jamaal Shuuriyo (Beylo) oo ahaa madaxi dhaqan.celinta Alshabab ee Baladweyn ayaa la soo sheegayaa inu ka mid noqday dadki galata ku geeriyooday qaraxi maanta.

Wariyaheena Baladweyn ayaa soo sheegaya in xarunta ay ku jiraan dhalinyaro gaareysa ilaa 30 dhalinyaro ah , waxaana uu shegay in Jamal maalmahan uu magaalada Muqdisho u joogay hawlo shaqo.

Jamal aya waxaa la geeriyooday sartal xooga dalka ee G/Hiiraan ka tirsan oo isna maalmahan magaalada soo gaaray.

Maqaayada Italian Coffee ayaa aheyd meel dad badan isugn imaanayeen , waxaana sido kale ku geeriyooday qaraxi manta dad kale shacab oo gaaraya ilaa 5 kale halka dhaawacana uu yahay 10 kale.

Cisbitaalada Daaru-Shifa iyo Madiina aya la geeyey dhaawacyada halkaas oo lagu baxnaaniyo.