Kooxo hubeysan oo Wiil Dhalinyaro ah ku dishay degmada Afgooye

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Kooxo ku hubesnaa Bustoolado ay degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ugu geestay mid ka mid ah dhalinyarada halkaasi ku nool.

Dilkaan ayaa ka dhacay Gudaha degmada Afgooye,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in dadkii ka dambeeyay dilka wiilka dhalinyarada ah ay goobta isaga baxsadeen.

Weli lama cada waxa uu ahaa wiilkaas iyo cida ka dambeeysa dilkiisa,balse waxaa ka soo baxaya Warar kala duwan wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid ahaa Askarta ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmadaasi Afgooye in kastoo warkaas aan la xaqiijin.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Afgooye ayaa Goobta dilka gaaray iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah walow aysan weli dad u qaban dilka wiilkaas Dhalinyarada ah.

Xiriir ayaan la sameynay Masuuliyiinta Maamulka degmada Afgooye si aan wax uga weeydiino dilka Wiilkaas balse nooma suurtagelin.