Kenya oo sheegtay inaysan ka laaban doonin dhismaha derbiga ee xuduudka Somalia

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlayey Barlamaanka Kenya, wuxuuna sheegay in Dhismaha Derbigaasi loo arko wax xayndaab u noqon kara inaysan Alshabaab weerar ka fulinin gudaha Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray in goobo laga soo galo loo samayn doono Derbiga, si loo arko, loona kontoroolo dadka u soo gudbaya Kenya.

Dowladda Federalka Somalia waxay cambaaraysay qorshaha lagu dhisayo  Derbigaasi, waxayna sheegtay inuusan Derbigaasi hakin karin weeraradda ay Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya.