Farmaajo oo Erdogan ku casuumay inuu booqasho ku yimaado Somalia.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Yaboohaasi Booqashadda ka jeediyey mar uu dhigiisa dalkaasi, Rajab Dayib Erdogan kula kulmay magaalladda Ankara.

Wakaalladda Wararka u faafisa Turkiga ee Anatolia News Agency ayaa shaacisay inuu Madaxweyne Farmaajo ku caasuumay Madaxweyne Erdogan inuu booqasho ku yimaado Somalia sida ugu  suurto-galka badan,

Wakaalladda faahfaahin dheeraad ah kama bixinin inuu Madaxweyne Erdogan oggolaaday inuu soo booqdo Somalia ama xilliga ay dhici doonto booqashadiisa.

Madaxweyne Erdogan waxa uu horey Somalia u soo booqday snnadihii 2011-kii, 2015-kii iyo 2016-kii, isagoo la kulmay Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Sheekh xmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu shaaca ka qaaday inay Somalia bisha Ramadaan u soo diri doonaan Markab wada 15,000 oo Tan oo Cunto iyo Gargaaro Daawo ah.

Bisha Ramadaan ayaa curan doonta bisha soo socota ee May 27-da ama dhamaadka bisha Shacbaan ee sannadkan 1438-da ee Hijriyadda.

Xigasho: AA

©Radio Dalsan