FAALLO: Halbeegga Mustaqbalka Somalia oo Humaag la ciirciirayo.

Sannadkan dabayaaqadiisa waxaa lagu madalsan yahay inay Somalia ka dhacdo Doorashooyin lagu soo dooranyo Madaxweyne, Guddoomiye Barlamaan iyo Xildhibaanadda Labada Gole ee Barlamaanka Federalka.

Waxay Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda isla garteen Istaraatijiyad lagu hiigsanayo Doorashooyinkaasi, inkastoo aan loo dhiraandhirinin qaabka looga gudbi karo caqabadaha dagaalladda lagula jiro Alshabaabka hubeysan.

22,000 Askari oo ka tirsan Nabad-ilaalinta AMISOM ayaan sidii la doonayey u hawlgelin, taasina waxaa ugu wacan iyagoo aan hoos tegin Maamulka Dowladda Federalka iyo kuwa Goballadda, waxaana taasi bedelkeedana laga caga jiidayey sidii loo dhisi lahaa Ciiddan Qaran oo buuxin kara Kaalimaha AMISOM.

Waana taasi arrinta abuurtay Ismarin-waaga AMISOM iyo Alshabaab oo iyagu muddo 7 sanno ku jira weeraro iyo dhufeysyo iyo dagaal marba dhinac la riixayo.

Xarig-jiidka AMISOM iyo Alshabaab ayaa u muuqda mid aan si fudud lagu kala bixi karin, waxaana taasi lagu fasiri karaa AMISOM oo aan doonaynin inuu ka dhamaado Qandaraaska Dagaalka ee ay u joogaan Somalia.

Horumar la’aanta Hawlgalkaasi waxa uu saamayn xooggan ku yeelan karaa Nidaamka Doorashooyinka, inkastoo ay Madaxda Taliska AMISOM sheegeen inay diyaar u yihiin inay Somalia ka dhaco Doorasho jawi deganaansho leh iyo inay ka hortegi doonaan Carqaladeyn kasta oo ay Alshabaab la soo beegsadaan Xilliyadda Doorashadda.

Horumarka dhinaca Siyaasadda ayaa isagana weli aan meeshiisa laaga qaadin, waxaana Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ka mashquuleen Hawlihii Doorashooyinka, iyagoo culayska koowaad saareen  La-dagaalanka Alshabaab, maadaama ay Alshabaab ka hawlgalaan qeyb o ka mid ah Deegaanadda ay Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda maamulaan.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay bilooyinka soo socda lagu mashquuli doono La-dagaalanka Alshabaab, oo iyagu haatan Aag cusub ka furay Deegaanadda Puntland, waxaana adkaan doonta in la loodiyo Alshabaab haddii ay salka la galaan Silsiladaha Buuraha Golis, iyagoo horey difaacyo ka galay Buuraha Galgala.

Xitaa haddii ay Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda kordhiyeen La-dagaalanka Alshabaab, ma muuqato fursad si degdeg ah muddo kooban lagu kala bixi karo, haddii aan la bedelin Shaxda Dagaalka ee lagula dagaalamayo Alshabaab dherersan qeybo ka mid ah Goballadda Koonfurta ilaa Goballadda W/bari ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Halbeegga Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia ayaa u muuqda mid calawsan, siina calawsami doona, waxaana uu Humaag xooggan hareyn doonaa Qabsoomida Doorashooyinka lagu wado inay qabsoomaan wixii ka dambeeya bisha August ee sannadkan.

WQ.  Hassan Ali Osman “Istiila” 

Twitter: @Hassanistiila

©Radio Dalsan