Faahfaahin:Saraakiil ka tirsan FIFA oo lagu xiray Hotel ku yaalla Zurich

Saraakiisha Ammaanka ee dalka Switzerland ayaa  la sheegay inay saakayto ku jarmaadeen Hotelka Baur au Lac Hotel oo ku yaalla caasimadda dalka Swirzerland ee Zurich, waxaana Hotelkaasi ku shirsanaa Guddiga FIFA oo ka wada tashanayey Doorashadda Guddoomiyenimadda FIFA oo lagu wado in maalinta Jimcaha la qabto.

Wargeyska The New York Times ayaa qoray inay Waaxda Caddaaladda Maraykanka ka dambeeysay hawlgalkii  Waaberigii saakayto lagu soo xirxiray  in ka badan 10 Sarkaal oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Sare ee Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA.

Saraakiisha FIFA  ee lagu qabtay Hawlgalkaasi ayaa la filayaa in loo gudbiyo dalka Maraykanka, si loogu soo oogo dembiyo ay ka mid yihiin musuq, lacago la xawilay iyo  dabeecado xumo kale oo FIFA hareeyey 20-kii sanno ee la soo dhaafay.

Saraakiisha Waaxda Caddaaladda iyo FBI-da Maraykanka  ayaa la filayaa inay maanta shir jaraa’id ku qabtaan magaalladda  New York oo ay kaga hadlayaan Saraakiisha FIFA ee la xiray.

Bilowgii bishan May, Guddoomiyaha FIFA, Sepp Blatter ayaa sheegay inuu og yahay Baaritaanka FBI-da, balse uu baaritaanku ku socdo saaxiibadiisii hore.

Blatter ayaa la filayaa inuu doorasho adag madaxa la galo Musharaxa u dhashay dalka Urdun ee Amiir Ali Bin Hussein.