Ehelada Kaaliyihi Gudoomiyihi Maxkamada oo diiday in Meydka Wiilkooda la Aaso(Warbixin)

Ehelada Marxuum Mursal Cumar oo ahaa shaqaale ka tirsanaa Maxkamada Sare ee dalka, isla markaana uu maalmo ka hor dilay darawalka qaaska ah ee Janaraal Gaafoow ayaa Radio Dalsan  u sheegay in Gaafoow uu ka shaqeynyo in cadaalada aan la horkeenin ninka dilka geystay sida ay sheegeen.

Mursal Cumar oo ahaa kaaliyaha maxkamada sare ayaa dhawr cisho ka hor waxaa gurigiisa ku dilay darawalka Gaafow .

Xuseen Maxamed Xasan Dhiqle  oo ka mid ah Ehelada Marxuumka la dilay ayaa tilmaamay in ay sugayaan cadaalad isla markaan baaq u diray ,madaxda dawladda in lo dilay gacan ku dhiiglaha sida ay dalbanayan.

 

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in shalay maxkamada ciidamada loo dhiibay inkastoo warkaas ay ehelada beeniyeen oo ay shegayaan in  Taliyihii hore ee NISA Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud doonayo in ehelada la siiyo diyo .

Dhinaca  kale, Maanta Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo Janaraal Gaafoow, waxana dibadbaxa dhigayay Ehalada Marxuum Musaral Cumar, kuwaasi oo dalbanayay in la toogto eedeysanaha dilka geystay.

Meydka Marxuum Mursal ayaa yaala ciabital Digfeer waxaana ay ehelada diideen in la aaso iyadoo la galiyey qaboojiyaha meydka la galiyo.