Dowlad-gobaleedka Soomaalida ku nool Ethiopia oo ka digtay Dagaalka Is-ballarinta ee Qowmiyadda Oramada

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Soomaalida Ehiopia ayaa lagu sheegay inay Kulan Wada-tashi ah  yeesheen Saraakiisha Maamulkaasi iyo Hoggaamiyayaasha Dhaqanka, kaasi oo looga hadlay Xiisadda colaadeed iyo dhul-ballaarsiga ay Qowmiyadda Oromadda ka wadaan dhulka Soomaalidu degto.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Khilaafka Oromadda uu salka ku hayo Ujeedada ay dadka Oromada ku doonayaan inay isku ballaariyaan  Deegaanka Soomaalida iyo inay galaangal u yeeshaan sidi iay Dekedaha Somaliland iyo Somalia uga soo degsan lahaayeen Hubka culus oo ay kula dagaalami lahaayeen Dowladda Federalka Ethiopia.

Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia waxay kaloo sheegeen in Ujeedada ay Oromada kula dagaalamayaan Soomaalida Kilinka 5-aad tahay sida ay Gobalkooda uga saareen Maleeshiyadii Al-itixaad iyo kuwa ONLF, waa sida hadalka loo dhigay.

War-saxaafadeedkaasi oo ku qornaa Luqadaha Soomaaliga, English iyo Amxaariga waxaa loogu baaqay Dowladeda Dhexe ee Ethiopia inay sida ugu dhaqsaha badan u soo farageliyaan xiisadda, lana qaado  Tallaabo looga hortagayo Is-ballaarinta Oromada..

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn Boshe oo ka qeyb galay Kulan ay wakiilo ka socda Labada Maamul ku yeesheen Addis Abeba, waxa uu ku booriyey inay ka shaqeeyaan sidii loo dejin lahaa Xaalladda iyo sidii Dib-u-dejin loogu samayn lahaa dadkii ku barakacay colaadaasi.

Xigasho: Reporter