DHAGEYSO: Wasiirka Amniga oo Baaq u Diray Dhalinyarada ku jirta Al-shabaab

Wasiirka cusub ee wasaaradda Aminga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo shalay si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa baaq u diray dhalinyarada wali ka barbar dagaalameysa Al-shabaab oo uu ugu yeeray inay isga soo baxaan fikirka dagaal ee Al-shabaab.

Ducaale dhanka kale waxaa uu sheegay inay qaado tallaabo cad oo lagu sugayo amaanka gaar ahaan Muqdisho, oo uu tilmaamay inay xoojin amaanka nabad galayada magaalada, si looga horatago falalka amaan darri ee Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.