DHAGEYSO: Shir Looga Hadlay Cadaalada oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay maxakamada sare ee dalka, ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka wasaaradda Cadaalad ee xukuumada, xeer ilalaliyaha qaranka, wasiir ku xigeenka amniga, iyo saraakiil ka socotay maxakamada ciidamada qalabka sida, iyadoo looga hadlay arrimaha cadaalada iyo sidii loo xoojin lahaa.

Wasiirka cadaalada ee xukuumada Abuukaate Xassan Xaseen oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in looga baahanyahay garsoorka inuu cadaalad falo, islamarkaana ay ka fo’gaadaan waxyaabaha keeni kara masuq maasuqa, waxaana uu kula dardaarmay inay xoojiyaan shada garsoorka, si ay u noqoto cadaalada tan looga dhaqmo dalka.

Dhamaan xubanaha ka hadlay shirka ayaa dalbaday in la adkeeyo cadaalada , si looga hartado cadaalad darrada baahsan ee ka jirta dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.