Dhageyso: Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada oo ka jawaabtay go’aankii Golaha Wada-Tashiga Qaranka

waxaa maanta kulan isugu yimid xubnaha daladda midnimada iyo dimoqoraadiyada soomaaliyeed ee uu hogaamiyo ra isulwasaarihii hore ee soomaliya Dr.cabdiwali sheekh axmed.

kulankan ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd in daladu ay saxaafada iyo shacabka soomaaliyeedba ugu soo bandhigto aragtida ay ka qabto go aankii golaha wadatashiga qaranku ay kasoo saareen shirkii ay kulahaayeen magaalada muqdisho dhowr cisho kahor kaas oo ku aadanaa qaabka loo wajahayo awood qeybsiga siyaasadeed ee dalka iyo isbadalka lafilayo in lagusameeyo hay adaha ugusareeya dowladda federalka ah.

madashan oo ay kumideysan yihiin xisbiyo siyaasadeed xildhibaano katiran baarlamanka federaalka ah iyo shaqsiyaad caan ku ah golayaasha siyaasadeed ee soomaaliya xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii dalka soomaray ayaa gudoomiyaha daladdaasi ahna ra isul wasaarihii hore ee soomaaliya Dr. cabdiwali sheekh axmed uu saxaafada u aqriyay bayaan ka kooban 7 qodob oo xambaarsan aragtidooda ku aadan go aankii golaha wada tashiga qaranka xiliga uu aqrinayay bayaankaasina waxaa garabkiisa taagnaa maxamuud axmed tarsan gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir hadana ah gudoomiye xisbi siyaasadeed.

xubnaha goobtaasi fadhiyay waxaa kamid ahaa siyaasiga Dr. cabdiraxmaan macalin cabdulaahi baadiyow oo abaabulka shirkaasi kaalin muuqata kulahaa iyo salaad cali jeelle oo labaduba kamid ah gudoomiyeyaasha xisbiyada madashaasi ku mataaneysan.

DSC01304 DSC01307 DSC01309 DSC01312 DSC01313 DSC01317

Halkan ka dhageyso Bayaanka Madasha :-