Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa kormeer kala duwan waxa ay ku sameeyeen Xaafada Howl-Wadag ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulaan.
Dhamaan Xildhibaanada iyo Wasiirada Maamulka Hir-Shabeelle oo Xaafada Howl-Wadaag ka taagay Calanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegeen in xiligaan wixii ka dabeeyay aysan wanaagsaneyn in gudaha Magaalada Baladweyne uu ka dhaco dagaal beeleedyo kale.
Waxa ay ugu baaqeen maleeshiyaadkii ku dagaalamay Baladweyne in aysan markale ku dhiiran dagaal kale iyagoo sheegay in dowlada Soomaaliya iyo maamulka hir-Shabeelle uu go’aan ka qaadan doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka