Dhageyso:-Dagaal u dhaxeeyo Al-Shabaab iyo Ciidanka Jubbaland oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Saacadihii la soo dhaafay tuulooyin hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose waxa  ku wada dagaalamay ciidamada Maamulka jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab kadib markii fariisin ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin duleedka Kismaayo ay soo weerareen Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanada kala ah Kara-uslo iyo walba sidoo kale deegaanka Cabdi Dhoore ee Goblka Jubbada Hoose waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida uu War-Baahinta u sheegay taliyaha Ciidamada Maamulka jubbaland Aadan Maxamed Ibraahim (Koojaar).

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in intii uu dagaalka socday ay Al-Shabaab ka dileen ilaa 4 dagaalyahan islamarkaana ay ka furteen Hub iyo Saanad kala duwan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale taliyaha ayaa hadalkiisa intaas raaciyay in Ciidamada Jubbaland ay howlgalka siiwadi doonaan ilaa Al-Shabaab laga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka.

Hoos Ka Dhageyso Codka