DEG DEG: Kolanyo ay La Socdeen Guddiga Gurmadka iyo Ajaaniib oo Lagu Weeraray Duleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Sarakuusta ayaa ku waramaya in halkaasi lagu weeraray gawaari ay la socdeen guddiga Gurmadka abaaraha, xubno ka tirsan maamulka gobolka banaadir iyo marti la socotay oo ku sii jeeday deegaanada ay daganyihiin dadka barakacayaasha ee ku nool duleedka Muqdisho.

Sheikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in qarax lagu weeraray guddiga gurmadka iyo Ajaaniib la socotay oo marayey meel ku dhow Sarakuusta, waxaana uu sheegay in qaraxa wax khasaare nafeed uusan geysan, hasa’ahaatee uu burburay mid ka mid ah gawaarida ay wateen.

Sheih Nuur waxaa uu timaamay in qaraxa la dhigay wadada dhinaceeda, islamarkaana uu qabsaday gaariga, balse uusan ka dhalan khasaare kale.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.