Dabley weerartay Garoonka Diyaaradaha Ataturk Airport ee dalka Turkiga.

Boliska Turkiga ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen Dabley wadatay Mooto, kuwaasi oo Waarberigii hore ee saakayto soo weerartay Garoonka Ataturk Airport oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Istanbuul.

Dableyda iyo Ciiddanka Boliska ayaa rasaas isweydaarsaday, iyadoo mid ka mid ah dableyda la dilay, halka kan kalena nolol lagu qabtay.

Ma jirto qof wax ku noqotay Is-rasaasayntaasi, waxaana xilli kooban la xayiray gaadiidka galayo iyo kuwa ka baxayo Garoonka.

Jadwalka Duullimaadyadda ee Garoonka ayaa la sheegay inay saamayn ku yeelanin Is-rasaasayntaasi socotay muddada kooban.

Bishii June, ugu yaraan 41 qof ayaa la dilay, halka 240-kalena ku dhaawacmeen, weerar ay Kooxda Daacish ku qaadeen Garoonka Ataturk Airport ee magaalladda Istanbuul.

Garoonkaasi ayaa ah kan 3-aad ee ugu ballaaran guud ahaan Garoomadda Diyaaradaha ee ku yaalla dalalka Europe.

ataturk-airport

©Radio Dalsan