Ciidamada Puntland oo Caawa howlgallo ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Bari

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Caawa ilaa Galabta waxa ay howlgallo kala duwan ka wadaan deegaanka Af-Urur ee gobolka bari halkaas oo maanta ay ka dhaceen laba qarax oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo la hoosgeliyay Goob Qaadka( jaadka) lagu iibiyo ayaa la sheegay in markii uu midka koowaad dhacay gurmad ay Ciidamadu sameynayeen uu mid kale sidaasi ku dhacay.

Ku dhawaad 10 ruux ayaa la sheegay in ay qaraxaasi ku geeriyoodeen halka dhawacuna uu ka badan yahay sida ay Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah ddka deegaanka Af-Urur.

Wararkii u dambeeyay ee Caawa aan ka heleyno deegaankaas ayaa waxa ay sheegaayn in howlgallo ay ka socdaan inta u dhaxeysa deegaanka Af-Urur iyo deegaanka Carmo ee gobolka Bari,islamarkaana Saraakiishu ay sheegeen in uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo.

Dhanka kale weli Saraakiisha ciidamada Puntland ee Gobolka Bari wax faah faahin ah kama bixin qaraxaas iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay