Boliska Kanada oo damiin ku sii daayey Nin Somali ah oo labo jeer laga toogtay lugta.

Khaalid Cabdi oo 25 jir ah ayaa la sheegay in shalay lagu sii daayey Damiin, sida ay ku dhawaaqday Anna Layn Balaveld oo ka tirsan Garsoorka Nabadda ee Maxkamadda magaalladda Ottawa.

Sii daysmadiisa ayaa lagu sheegay inuusan awoodi karin inuu baxsado ama uu Dembi kale galo, wuxuuna Eedeysanaha haatan lagu riixaa Baaskiiladda Curyaamiinta.

Anna Layn Balaveld waxay kaloo sheegtay in sababta loo sii daayey tahay Xaalladda ay isaga iyo Hooyadiisa ku nool , iyadoo ay Boliska oggolaadeen in lagu sii daayo Daruufahaasi.

Khaalid Cabdi waxa bishii November 21-dii lagu dhaawacay Xaflad Aroos oo ay Qoys Soomaaliyeed ka dhiganayeen Xarunta The Wabano Centreku taalla magaalladda Ottawa.

Boliska waxay toogashadaasi ku tilmaameen mid u dhexeysay Kooxaha Gangestaradda Soomaalida ee ku nool Ottawa.

Dhinaca kale, Bishii November 27-dii ee la soo dhaafay, waxay Boliska sheegeen inay aqoonsadeen ninka dhaawacay Khaalid Cabdi, waxaana la soo saaray Amar lagu xoo xirayo Eedeysanaha oo lagu magacaabo Caadil Cumar, kaasi oo weli dhuumaalaysi ku jira.

© Radio Dalsan