Banaanbax Ka Dhacay Baladweyn Iyo Mid Hada Ka Socda Jowhar

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in halkaasi uu maanta ka dhacay banaabbax ay dhigeen shacabka magaalada Baladweyne, waxaana looga soo horjeeday go,aanka ay dowladda ku joojisay diyaraadihii qaadka ee maalamahaan danbe ka dagayey garoonka magaalada Jowhar, kadib ganacsatada qaadka oo cabasho ka keenay canshuurta looga qaado garoonka Muqdisho.

Boqolaal dadweyne ayaa isu soo baxay magaalada Baladweyne, gaar ahaan xaruntii hore ee Darwiish, kuwaasi oo ka soo horjeestay go,aanka ka soo baxay wasaaradda duuiista hawada ee xukuumada oo sheegtay in tallabo laga qaadi doono diyaardii ku degtaa Jowhar, taasoo shacabku ay ku tilmaameen mid loogu xad gudbayo maamulka Hirshabeelle.

Dhinacakale, waraiyaha Radio Dalsan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa soo sheegaya in hada magaalada uu ka socdo banaanabax weyn oo ay ka qeybgalayaan madax ka tirsan maamulka, waxaana looga soo horjeedaa, isla  go.aanka ay dowladda ku joojisay diyaaradihii qaadka ee Jowhar.

Dibadbaxa ayaa wali soconaya waxaana shacabka la hadlaya qaar ka mid ah masuuliyiinta Hirshabeelle, oo horey u sheegay inaysan aqbali doonin go,aanka wasaarada duulista hawada oo digniin u dirtay ganacsatada qaadka, Kadib markii dhowr maalin oo ay diyaaradaha jaadka ka dageen garoonka magaalada Jowhar.