Wararka aan ka heleyno dalka koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow dalkaasi lagu dilay mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas.
Kooxo hubeysan ayaa Ganacsadaha oo lagu Magacabi jiray Axmed Abdulle “Cariif” waxa ay ku dileen deegaanka khaliija oo ka tirsan xaafadaha magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika.
Macadda ilaa iyo haatan sababta ka dambeysay dilkan loo geystay muwaadinkaasi Soomaaliyeed, balse dhacdadani ayaa qeyb ka ah dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhac oo ay la kulmaan dadka ajaanibta ah ee kunool dalkaasi Koonfur Africa oo Soomaalidu ay ka mid tahay.
Dilka Macalin Axmed Cabdulle ayaa ka dhigaysaa tirade guud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaas 12 qof , muddo todobaadyo gudohooda.