Alshabaab oo u goodisay Ciiddanka Britain ee lagu wado inay Somalia yimaadaan.

Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay inay Ciiddankaasi ku soo dhaweyn doonaan Gumacyo Ololaya, isla markaana ay u arkaan inaysan waxba dhaamin Dagaalka ay kula jiraan Ciiddanka AMISOM.

Wargeyska albawabhnews ee ka soo baxa dalka Masar ayaa ka soo xigtay inuu Afhayeenka Alshabaab sheegay inay heleen Warar ku aadan inay Askar British ah ku soo fool leeyihiin magaalladda Muqdisho, wuxuuna ku goodiyey inay maydadka Askartaasi ku jiidi doonaan Waddooyinka, waa sida uu hadalka u yiri Afhayeenka Rasmiga ee Alshabaab.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Wafdi ka socda Milliteriga British dhawaan booqasho ku yimaadeen magaalladda Muqdisho, lana kulmay Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Milliteriga ee Dowladda Somalia.

Dhinaca kale,  Ra’isul-wasaaraha dalka Britain, David Cameron waxa uu dabayaaqadii Bishii September ee sannadkii hore shaaciyey inuu Somalia u soo diri doono ilaa  70-Askari, kuwaasi oo uu sheegay inay Hawlgalka AMISOM ka taageeri doonaan dhinacyadda Loojistikada, Injineeriyadda iyo Caafimaadka.

©Radio Dalsan