Alshabab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkii magaalada Gaalkacyo habeen ka hor loogu geystay ganacsade Cabdulaahi Muuse Nuur (Jeexaar), oo ay walaalo yihiin guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Muduug Axmed Muuse Nuur.
Qoraal lagu daabacay baraha inernetka ee Alshabab, ayaa lagu sheegay in ganacsadahaan ay muddo ku daba jireen Alshabab islamarkaana ay ku eedeeyeen in uu kamid ahaa dadkii ka qeyb qaatay taakulada dagaalkii Ciidamada Puntland iyo Alshabaab ee ka dhacay aaga Garacad sanadkii 2016, bishii March.
Shababka waxay sheegeen inay dilkiisa u adeegsadeen qarax loogu xiray gaarigiisa.
Weli Saraakiisha Ciidamada Puntland kawaab cad kama bixin hadalka ka soo baxay Al-Shabaab eek u aadan dilka Ganacsade Cabdulaahi Muuse Nuur (Jeexaar),iyada oo ay xusid mudan tahay in Masuuliyiin badan oo horay loo dilay ay sheegteen Al-Shabaab.
Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weli ku sugan Buuraha Galgala ee gobolka Bari Puntland halkaas oo mararka qaar ay ka soo weeraraan farsiimaha Ciidamada Puntland ee Gobolkaasi Bari