Akhriso:-Qodobada Maanta looga hadli doono kulanka Baarlmaanka Soomaaliya

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta la filayaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan kaas oo ay uga hadli donaan qodomo muhiim ah.

Dhawaan Xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxaa ay u yeereen in ay Baarlamaanka Soomaaliya horyimaadana Wasiirada Cadaalada iyo kan Dastuurka,iyada oo la filayo in uu Maanta hortago Wasiirka Cadaalada Soomaliya Xasan xuseen Xaaji.

Wasiirka Garsoorka ayaa Xildhibaanada waxa ay wax ka weeydiin doonaan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka oo ay doonayaan in isbedel lagu sameeyo,iyada oo lafilayo in sidoo kale Maalinta Berito ah uu Baarlmaanka hortago Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Diyaar garoow ku aadan qabsoomida kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ka socota Mgaalada Muqdisho,iyada oo siweyn loo adkeeyay Wadooyinka soogala Xarunta Golaha Shcabk iyo kuwa ka baxa intaba.