Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin horay u dilay taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Shabeellaha dhexe C/wali Ibraahim Maxamed.
Dilka toogashada ah ayaa ka dhacay Fagaaraha School Polizio ee Degmada Xamar Jajab, halkaasi oo ay ku toogteen ciidamada ammaanka Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa Ninkii horay u dilay Taliyihii Ciidamada Nabad Sugidda Gobolka Shabellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed kaasi oo lagu dilay Magaalada Jowhar 23kii June 2016.
Goobta Xukunka dilka ah ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa dhamaan Masuuliyiinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida,waxana Ninka Xukunka lagu riday inta uusan dilin taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida uu ahaa Ilaalada Gaarka ah ee taliyaha.
Goordhow la socda faah faahinra Warkaan.