Waqti dheeraad ah oo lagu daray furitaanka Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Goordhow hal Saacad oo dheeri ah ku daray waqtigii loogu talagalay in furmo Kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sabata uu hal saac ugu daray Guddoomiye Mursal furitaanka Kulanka  ayaa ah,maadaama weli uusan soo buuxsamin Kooramkii loogo talagalay in uu ku furmo kulankaas.

Hoolka Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa haatan ku sugan 30 Xildhibaan oo kaliya,kuwaasi oo xili horey yimid Xarunta.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in uu jiro Kulan,isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.

Ajendaha Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kala ah.

Warbixinta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Aqrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media