• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, July 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Wadaad ku Caan baxay Magaca ‘Aabihii Taalibaan oo la dilay

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 3, 2018
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wadaadka reer Pakistan ee la yirahdo Maulana sami Al Xaq kuna caan baxay magaca ‘Aabihii Taalibaan’ ayaa lagu dilay magaalada Waqooyiga ku taalla ee Rawalpindi.

Warbaahinta maxalliga oo ka soo xigatay qoyska wadaadka ayaa sheegay in toori lagu dilay halka warar kalena ay sheegayaan in la toogtay.

Ma kala cadda sababta loo dilay Maulana Sami Al Xaq.

Al Xaq ayaa ahaa madaxa maddarasada Xaqqaaniyah oo ku taalla waqooyiga Pakistan, halkaaso ay wax kasoo barteen xubno ka tirsan ururka Taalibaan, waxaana kamid ahaa dadkii kasoo qajin jebiyay maddarasada Mullah Cumar oo ahaa aasaasihii ururka Taalibaan.

Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saleysan dilka ‘Aabaha Taalibaan’.

Wiil uu dhalay wadaadka wuxuu sheegay in aabihiisa dhowr jeer toori lala dhacay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Rawalpindi.

“Wuxuu casarkii ku nasanayay guriigiisa markaasi waxaa dibadda u baxay darawalkiisa muddo 15 daqiiqo ah” ayuu yiri Maulana Xamid Al Xaq oo ah wiilka wadaadka.

Wuxuu sii raaciyay “Markii uu soo laabtay, wuxuu arkay aabahay oo dhintay oo jirkiisa oo idil dhiig qabsaday”.

Qaar kamid ah ehelada Al Xaq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in jirkiisa ay ka muuqatay dhaawacyo raasaas.

Ilaa hadda cid sheegatay ma jirto ma’suuliyadda dilka Al Xaq.

Cabsida dagaalka

Saraakiisha dalka Afqanistaan ayaa wadaadka la dilay oo 80 jir ahaa ka codsaday inuu ka qayb qaato wadahadallada furmay ee u dhexeeyo dowladda iyo Taalibaan.

Wuxuu ahaan jiray sanatar hore oo hoggaamin jiray xisbi ay ku taagnaayeen urur diimeedka Jaamicatul Culaama’u Islaam, wuxuuna ku dhawaa xisbiga ra’iisul wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan.

Cimraan Khaan wuxuu hadda boqasho ku jooga magalaada Beijing ee dalka Shiinaha balse bayaan kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu caambaareeyay dilka Maulaan Al Xaq isla markaasna lagu amray in baaritaanno lagu sameeyo dhacdada.

Maulaana Sami Al Xaq waxaa ku xirnaa kumannaan qof oo ay kamid yihiin ardeydiisa, shacabka Afqanistaan iyo xubnaha Taalibaan.

Weriyaha BBC-da M. Ilyas Khan ayaa kusoo warramaya in dilka wadaadkan ay waddooyinka dalkaasi ka dhalin karto dibadbaxyo rabshado wata.

BBC SOMALI

Previous Post

Aqalka Sare oo Maanta shaacinaya xilliga uu hor imaanayo Ra’iisul Wasaaraha

Next Post

Jawaari oo kasoo muuqday kulanka Maanta ee Golaha Shacabka kadib is casilaadiisii

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Next Post

Jawaari oo kasoo muuqday kulanka Maanta ee Golaha Shacabka kadib is casilaadiisii

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa xalay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa...

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka...

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo mowqifka Ruushka...

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Najiib, ayaa sheegay in shirweynaha la filayo inuu ka qabsoomo...

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: "Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac"

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
  • Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
  • Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
  • Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00