UK oo tababari doonto boqolaal ka tirsan Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA

Safaaradda UK ku leedahay magaalladda Muqdisho waxay soo saartay Hadal-qoraal oo ay ku shaacisay inay Milliteriga British-ka tababari doonaan 600 Askari oo dheeraad sanadkan 2021-da, iyadoo Tababarkaasi qeyb ka yahay dadaalka lagu dhisayo Awoodda Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.

Qoraal la soo dhigay Twitter-ka Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa lagu muujiyey in Ciiddanka UK ay ku tallaabsanayaan Taageeradooda Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA,si  ay Ciiddanka u helaan Tababaro kala duwan, xilli la qorsheynayo inay si buuxda ula wareegaan Hawlgalka AMISOM ee sugida Ammaanka Somalia.

Milliteriga UK waxaa la sheegay inay Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA u tababari doono 3  qeyb oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah:-

1-      Hawlgalladda Difaaca, Taliska, Kontoroolka, Xuquuqda Aadanaha, Isgaarsiinta iyo Sawirada.

2-      Sida loola dagaalamo Khataraha Qarxyadda oo cabsi weyn ku ah Ciiddanka Qaranka ee SNA iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

3-     Tababarada khuseeya Loojistikada, Qorsheynta iyo Fulinta Hawlgalladda.

Dhinaca kale, Danjiraha UK u joogta Somalia, Kate Foster waxay sheegtay inay UK ka go’an tahay dhismaha Ciiddan Xirfad leh oo taageero ka geysa xoojinta Nabadda xilliga dheer iyo Hawlgalladda wax-ku-oolka ee ka socda Mandiqadda ee lagula dagaalamayo Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Danjire Kate Foster waxay kaloo sheegtay inay iyaga aad ugu caloolsan yihiin Taageeradda Somalia ee lagu xoojinayo dadaalkooda ku aadan Halgankan wadajirka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor