Taliyaha qeybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa salaadii maqrib ee Caawa ka badbaaday qarax lagu eegtay duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya qaraxa faah faahino dheeraad ah.
Qaraxaas oo ahaa miino lagu aasay laamiga dhinaciisa ayaa waxaa kolonyo uu la socday Taliye Farxaan lagula beegsaday deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, xili uu Taliyaha halkaas socdaal ku marayeen, iyagoona kusoo jeeday Magaalada.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolkaan Banaadir Farxaan Qaroole ayaa ka badbaaday qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo gaaray afar kamid ah ilaalada Taliyaha.
Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Taliye Farxaan Qaroole uu aagga Ceelasha biyaha u tagay kiis la xiriiro Askar ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad oo lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxa uu ka badbaaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, kaasi oo xiligii la qarxinaayay ka yimid deegaanka Calamada, kuna soo jeeday Magaalada.