Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la siiyay Shahaadada Musharaxnimada kursiga Hope172

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad C/raxmaan ayaa qaatay shahaadada Musharaxnimo ee kursiga tirsigiisu yahay  #HOP172, ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga Hope172 ayaa ka mid ahaa kuraasta maalmihii ugu dambeeyay ugu hadal haynta badnaa, koogur galbeed, maaddama ay jireen warar soo baxayay oo ku aaddanaa in madaxtooyada Soomaaliya ay la doonayso kursigaas Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Lafta-gareen.

Laft-gareen ayaa la sheegay in uu iska casilayo Xilka Madaxweynaha koofur Galbeed, si uu Guddoomiye Baarlamaan u noqdo, balse haatan ma muuqato sababo muujinaya is-casilaadda lafta Gareen.

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor