Howlgal uu hogaaminayo Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal oo lagu soo qabqabtay Mandoriyaal iyo dadkii isticmalayay.
Howl galkan oo qaatay 6sacadood ayaa waxaa qayb ka ahaa taliyasha saldhigyada Garowe,Sarakiisha C.I.D waxana u jeedku ahaa la dagaalanka waxa ay ugu yeeraan Argagixisada iyo Mandooriyaha.
Ciidamada booliska oo xog ka helaya hayadaha sirdoonka Puntland ayaa howl galkan ka sameyay qaar ka mida xafadaha Garowe iyagoona Guryaha iyo Gadiidka lagu baarayay si argagixisada ku dhumaleysa naysa magalada loo soo afjaro waxaa sido kale lagu baadi goobayay Mandoriyaasha nocyadooda kala duwan.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in howl galada ay noqon donaan kuwo jogtaha si fursad aysan u helinba kooxaha nabadiidka iyo kuwa dhalinyarada haleynaysa ciidamaduna ay diyaar u yihiin in bulshada wax walbo dhibaya ay ka qabtaan.