Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galaya meertada 48-aad ee Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Shiinaha Wangi Yi.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyo sidii Labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta, ganacsiga,  kalluumaysiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

Wasiir Cabdisaciid ayaa la wadaagay dhiggiisa Shiinaha tacsi ku aaddan dhibbaneyaashii ay waxyeelladu ka soo gaartay diyaaraddii ku burburtay dalka Shiinaha, isaga oo sidoo kale uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ugu dambayn, Labada Wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay ka miro-dhalinta xiriirka soojireenka ah ee ku qotomo ixtiraamka madaxbannaanida dhuleed, siyaasadeed iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, waxayna ku heshiiyeen in ay si dhow isaga kaashadaan xoojinta iyo ilaalinta xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor