Mufti Sheekh Shacbaan Ramadaan Mubaaje oo ah Hoggaamiyaha Sare ee dadka Muslimiinrta Uganda waxa uu ugu baaqay Dowladda Madaxweyne Yoweeri Museveni in la qabto Wada-xaajood Qaran, iyadoo la filayo inay dalkaasi ka dhacdo Doorashadda Guud sannadka 2021-ka.
Waxa uu sheegay haddii Wada-xaajoodka la qabto inay taasi meesha ka saarayso in loo baahdo in qoryo badan la keeno iyo in kharaj badan lagu bixito suntan dadka ka ilmeysiisa.
Muftiga dalka Uganda waxa uu si gaar ah ula hadlay Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Uguanda, wuxuuna ugu baaqay inay oggolaadaan in Talada dal si nabad ah loogu kala wareego iyo inay taageeraan Hoggaamiyayaasha cusub ee ay dhexdooda ka doortaan.
“Ha la dagaalamina Hoggaamiyayaasha, waayo Ilaah ayaa u gartay. Ha ku dagaalamin wax aydaan maarayn karin. Waa ku kala jebi kartaan. Haddii ay qalad sameeyaan saxa oo iyaga ilaaliya” ayuu yiri Muftiga dalka Uganda.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Sare ee dadka Muslimiinrta Uganda, Sheekh Shacbaan Ramadaan Mubaaje waxa uu ka codsaday Maadaxweyne Yoweeri Museveni inuu garwaaqsado inay Muslimiinta helaan shaqooyin sare iyo magacaabista Siyaasadeed.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inay haatan jiraan Muslimiin aad u badan oo leh Khibradaha muhiimka ah in lagu noqdo Wasiiro, Danjirayayaal, Guddoomiyayaal iyo kuwo kale.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu u soo sheego Khibradaha uu u baahan yahay, si Murashixiinta xilalkaasi loogu geeyo.
Dadka Uganda oo 84% ah dad Kirishtaan ah waxaa la sheegaa inay hayaan Xilalka ugu sarreeya ee Hay’addaha Dowladda dalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, tirada dadka Muslimiinta Reer Uganda waxaa lagu sheegaa inay 14% ka yihiin tirada guud ee dadka Ugandhes-ka ah.