Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Maanta oo Jimce ah kusoo wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Deni ayaa la filayaa in uu Muqdisho kaga qayb-gelo shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashada Soomaaliya, kaasi oo la filayo maalmha soo aaddan uu si toos ah Muqdosho uga furmo,waxaana qayb ka ah shirkaasi Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa la filayaa in berri oo Sabti ah oo ka furmo Muqdisho, waxaana ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.