Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Bari, kadib xeer Madaxweyne oo kasoo baxay Xafiiskiisa.
Deni ayaa Cabdirisaaq Cali Siciid u magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolkaasi,kaasi oo dhawaan Xaruntiisa Boosaaso ay ka dhaceen dagaallo khasaaro badan dhaliyay.
Hoos ka akhriso Magacaabista kasoo baxday Xafiiska Deni
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari
*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixa