Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in shirweynihii ururka ee lagu waday in lagu qabto magaalada Muqdisho uu dib u dhacay, sida lagu sheegay warqad wargelin ah oo loo diray ergadii martiqaadka heshay.
Qoraalka rasmiga ah ee ururka ayaa lagu sheegay in munaasabadda la baajiyay iyadoo aan weli la cayimin taariikhda cusub iyo goobta lagu qaban doono, iyadoo ururku cudur daar ka bixiyay dib u dhaca ku yimid jadwalkii hore.
Ilo madax-bannaan ayaa sheegay in dib u dhigista ay la xiriirto arrimo farsamo iyo wada-tashi weli socda oo la xiriira Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaa la rumeysan yahay in ururku ka doonayo doorkiisa siyaasadeed, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta saxda ah ee keentay baaqashada shirweynaha.
Ururka ayaa la filayaa in uu dhawaan ku dhawaaqo jadwal cusub oo la xiriira qabsoomidda shirweynaha iyo meesha lagu qaban doono.